Sida Raadiyaha wax loogu qoro

Marka aad Raadiye wax u qoreyso waa in aad dhageystaha soo jiidataa, oo aad isticmaasho luqad sahlan. Iska ilaali inaad isticmaasho jumlo aan micnaheeda la fahmi Karin. Waxaa kale oo muhiim ah in aad dhinacna u janjeerin. Ogowna inaad masuul ka tahay waxa aad qortay.

Waxaa jira waxyaabo muhiim  ah, oo aad u baahan tahay inaad tixgalisid marka aad qoreysid warka.

Waa muhiim ah in aad fahansan tahay waxa aad qoreysid. Hadii soo jeediyuhu uusan fahamsanayn sheekada, sidee dhagaystuhu u fahmi karaa.

Yeelo Hal-abuur

Nuqulka aad qoreysid waa in uu soo jiitaa dhegeystaha.

Yeelo hal-abuur, dhowr siyaabood ayaad u samayn kartaa: sida adigoo ku daraya ooraah soo jiidata dhagaystayaasha, adigoo qurxinaya iyo adigoo raacinaya dhacdooyinka horay xiriirka ula lahaa sheekada.

Isticmaal luqad sahlan

Iska illaali eray-bixinta cilmiyaysan iyo jumlo micnaheeda aan la fahmi karin, luqadeenu waa hodan, sidoo kale iska ilaali isticmaalka sifooyinka iyo nambaradda badan, way ku wareerayaan dhegeystayaasha.

Eray kasta, oo ku jira warbixintaada waa in uu ahaadaa mid lagu xisaabtamo. Waa in aad awood u leedahay in aad caddeyso ama sababeyso eray kasta, oo aad ku isticmaashey qoraalkaaga.

Sadarka ugu horeeya ee qoraalkaagga

Sadarka ugu horeeya ee qarbixinta aad ayuu muhiim u yahay.

Waa fursaddii aad ku soo jiidan lahayd dhegeystahaaga, ku haysan lahayd, wax ugu sheegi lahayd: Sida adigoo yiraahda: dhegeyste, waxaa inoo soo socda warar muhiim ah oo xiiso leh (sida qof la diley ama qarax dhacay).

Wararka xiisaha leh dadku way sugaan, mararka qaar waxaa dhici karto in sheeko horey u soo socotay ay noqoto tan ugu horeeysa ee warkaaga, tusaale ahaan maalintii uu Mr. Radovan Karadzic hor yimid maxkamadda dambiyada dagaalka ee magaalada Hague – waxaanu ogeyn inay arrintan dhacayso, sidaa darteed waa in aan raadinnaa qaab aan sheekaddan uga dhigi karno mid hadda dhacaysa -

Sidan ayaana loo sameeyay:

Wuxuu muddo lahaa gar aad u weyn, oo caws baxay u ekaaday, timo aad u dheer, oo uu isku qarinayay si aan loo garan.  Muddo toban sano ah, ayay sidaas ugu suurtagashay in uu uga dhuunto maxkamadda Qaramadda Midoobey  ee dambiyada dagaalka. Balse, waxaa maanta maxakamadda horteeda yimid Rodovan Karadzic oo ka caataysnaa sidii hore, wuxuuna ku lasbisnaa Isku joog iyo garabaatigiisa.

Mabaadii‘da BBC

Gabi ahaanba qoraalkaagu, waa in uu raacaa dhamaan mabaadii‘da BBC.

Himilooyinka dhexdhexaadnimadda, iyo sugnaanta, dhamaan, waxay muhiim u yihiin in la ilaaliyo dhexdhexaadnimadda BBC.

Marka aad war soo direysid maka qeybgalisaa dhamaan kuwa ku lug leh, hadii ay yihiin urruradda siyaadda ama dhinayada khilaafku u dhexeeyo?

Iska ilaali in aad dhinac u janjeerto

Wariye ahaan waa in aad iska ilaallisaa wax qaloocinta. Xisbiyadda siyaasadda iyo kuwa u ololeeyaya, waxay leeyihiin ajandayaal ay rabaan in ay fushadaan, laakiin fariintoodu waa in aysan noqon mid wax yeesha qiimaheena wariyenimadaada. 

Dhowaan, waxa naloo diray shir jaraa’id, oo ku saabsanaa qandaraas ay dowladdu ku bixineyso dhismaha goob tareenada lagu xareeyo. Waxaa qabanayay wasaaradda gaadiidka.

Qodobka warka ugu horeeya ayuu ahaa, waxaan u aragnay in uu yahay war dan u ah dalka Ingiriiska, shaqana u abuuraya dad badan.

Si kastaba ha ahaatee, saacaddo yar kadib, waxaa la ogaaday in qandaraaskii la siiyey shirkad Japan laga leeyahay. Waxaa qandaraaska waayay shirkadda Bombardier ee Megaaladda Derby ee dalka Ingiriiska.

Iska ogow

Waxaad mas’uul ka tahay wixii aad qortay, sumcadaada wariyenimo, waxay ku xiran tahay in aad hawshaada si sax ah u qabato, oo wax run ah aad qorto.

Ma fiicna in aad qoraal hore loo sameeyey meel ka soo qaadid, oo aad isticmaashid (cut and paste) ama aad kasoo guurisid bog internet (Website).

Markasta hubi in aad xaqiiqda ku taagan tahay. 

Staff sign-in

Please wait while we check that you are connected to the BBC internal network

Sorry, we couldn't confirm that you were on the BBC internal network

  • Please check that you are connected to the BBC internal network
  • Please check the link you are trying to access is correct
Close and continue

You are confirmed on the BBC network

Close and continue