Sida idaacadda war loogu soo diro

Casharkan wuxuu si kooban u iftiiminayaa talooyin ku aadan sida idaacadda war loogu soo diro, sida loogu diyaar garoobo abuurista warbixin tayo leh, sida warbixinta loogu qurxiyo codad iyo dhawaaqyada muhiimka ah, sida ay muhiim u tahay in aadan ka tagin goobtaada shaqada adigoon hubin qalabka aad ku shaqeynaysid, muhiimada ay leedahay inaad qorshe hore degsato sida aad u maarayn karto haddii ay kugu timaado cilad.

  • Marka hore muhiimadda saar warka ama warbixinta- waxaad heli doontaa waqti badan, oo aad muhiimadda ku saarto farsamada dhinaca tiknoolajiyadda. waxkasta, waxaa ka wayn in aad ka fakarto sidii aad hab hal abuurnimmo ugu qurxin lahayd warbixintaada –Sideed uga dhigaysaa mid markiiba loo soo istaago oo la garowsado qiimaheeda? Looma baahna warbixin la sii saadaalin karo.
  • Waa in aad hubaal ka dhigto sidii aad u soo uruurin lahayd waxyaabo badan oo kala duwan, sharaxaadyo, dhawaq kala gedisan, kuwaasoo warbixintaada noolaynaya.  Dhageyso cododka iyo dhawaaqyadda aad rabtid inaad ku darsatid warbixintaadda.
  • Waxaa muhiim ah in ogaatid in aadan haysanin waqti badan, oo waa inaad dhaqso u go’aamisaa maxay yihiin waxyaabaha ugu fiican ee warbixintaadda aad ku dareysid iyo faahfaahta, markasta niyadda ku hay dadka ku dhagaysanaya. Dhagaystaha, waa la qancin karaa, balse ogow in uusan  waqti badan ku bixin doonin warbixin aan bartilmaameed u ahayn.
  • Isku day sidii aad u noqon lahayd mid saaxiib la ah dhagaystayaashiisa – haddana ah saaxiib wax badan og.
  • Ka sii tasho cilladaha qalabka ee dhinac walba. Aad uga war hay qalabka aad isticmaalayso, kalsooni ku qab sida ay u shaqeynayaan iyo wixii lama filaan ah ee ku dhici kara adigoo waliba horay u sii hubiyay. Waligaa ha ka bixin xafiiska adigoo aan hubsan in aad haysato qalabkii aad u baahneyd iyo in uu shaqeynayo qalabku.
  • Qorshe u sameyso kala rasayntooda, xaqiiji  taleefoonadda halka ay kuugu jiraan, sii tijaabi goobta aad ka heli karto xiriirka hawada (Signal), ka soo qaad cillad in ay ku timaaddo qalabka, maxaa qorshe labaad kuu ah?
  • Ha ogolaan walwal aad ka qabto qalabka in uu kaa joojiyo shaqadaada in aad qabsato, kalsooni badan lahoow. Ogow Martidaaadu way la dhacayaan hadii ay arkaan adigoo howshaadu isku toosan tahay. 

Staff sign-in

Please wait while we check that you are connected to the BBC internal network

Sorry, we couldn't confirm that you were on the BBC internal network

  • Please check that you are connected to the BBC internal network
  • Please check the link you are trying to access is correct
Close and continue

You are confirmed on the BBC network

Close and continue