Suuriya iyo la dagaalanka ISIS

  • 25 Agoosto 2014
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suuriya Walid Mouallem.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suuriya ayaa sheegay, in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu kala shaqeeyo gobalka iyo caalamka dagaalka looga horjeedo argagixisada, maadaama uu xoogeystay qatarta ka imaaneysa kooxaha islaamiyiinta.

Laakiin Walid Mouallem, ayaa sheegay in dadaal kasta ee lagula dagaalamaya argagixisada uu ahaado mid ay isku xireyso dowladda Suuriya.

Cadaadiska in ciidamo caalami ah ay duqeeyaan meelaha ay haystaan kooxda dowladda islaamiga ayaa sii kordhaya. Balse awoodaha reer galbeedka ayaa diidan in lala sameeyo wax wada shaqeyn ah madaxweyne Assad.

Dowladda Suuriya ayaa bilowgii kacdoonka sheegtay inay la dagaalameyso argagixiso.