Dhaqaalaha Afghanistan oo qatar ku jira

Ashraf Ghani iyo Abdullah Abdullah ayaa ku muransan doorashada madaxweynenimada.

Wasiirka maaliyada ee Afganistan, Omar Zakhilwal, ayaa sheegay guuldarada hareeraysay doorashada madaxwaynenimada inay dalka uga kaceyso shan bilyan oo doolarka Mareykanka ah.

Wuxuu u sheegay BBC-da hadii aan dhaqso la xalin dhibaatadan inuu jari doono mushaaraadka uuna ruqseyn doono shaqaalaha dowladda.

Wasiirka ayaa sheegay siyaasadda aan dhaqaaqeynin ay ku sababtay dalka in daqliga uu hoos u dhaco.

Labada Musharax ee Ashraf Ghani iyo Abdullah Abdullah, ayaa labaduba ka sheegtay guulo ay ka gaareen doorashada madaxtinimada ee dhacday April, waxayna weli ku guuleysan la'yihiin inay gaaraan heshiis dowlad isbahaysi.