Xabbad joojiintii Qaza oo maalin lagu daray

  • 19 Agoosto 2014
Qaza
Wadahadallada aan tooska ahayn ee Isra'iil iyo Falastiniyiinta ayaan wax natiijo ah weli laga gaarin.

Israa'iil iyo ururka Xamaas ee maamula Marinka Qaza ayaa isku raacay 24 saac oo dheeraad ah in lagu daro xabad joojinta haatan ka jirta Qaza.

Wakhti kordhintan ayaa lagu dhawaaqay wax ka yar hal saac markii ay ku ekayd shan tii maal mood ee horay loo gaaray.

Dhexdhexaadiyayaasha Masaarida ee ku sugan magaalada Qaahira ayaa sheegay in wadahadalada lagu gaarayo qorshe xabad joojin oo waqti dheer sii socon doonaan.

Cazaam al-Axmed oo ah ninka ka socda Falastiiniyiinta ayaa sheegay in uu rajaynayo in waqtiga lagu kordhiyay xabbad joojinta ay labada dhinacba siin doonto waqti ay ku dhameystiraan wadahadallada.