Kenya oo lagu eedeeyay dilal

  • 18 Agoosto 2014
boliiska Kenya

Kooxda xuquuqda aadanaha ee HRW ayaa ku eedeeyay boliiska argagixisada la dagaalama ee Kenya inay fuliyeen dilal qeynuunka qilaafsan.

Ururka ayaa sidoo kale sheegay inay heleen cadeymo la xiriira dad la waayay, xarig sharci daro ah iyo in si xun loola dhaqmo.

HRW ayaa sheegtay in deeq bixiyayaasha caalamka ay joojiyaan kaalmada ay siiyeen qeybta boliiska ee la dagaalanta argagixisada, taas oo la sameeyay kaddib weeraradii safaaradda Mareykanka ee Nairobi.