Safaaradda Britain ee Libya oo la xirayo

Keydka shidaalka ee caasimadda Liibiya oo gubanaya kaddib dagaal halkaa ka dhacay.

Safaaradda Britain ee Liibiya ayaa la xirayaa dhawaan sababo la xiriira colaadda ka taagan caasimadda dalkaasi.

UK iyo wadammo kale oo reer Yurub ah ayaa todobaadkii hore ugu baaqay muwaadiniintooda in ay isaga baxaan dalka Liibiya.

Iskudhacyo u dhaxeeya maleeshiyaad iska soo horjeeda oo ku dagaalamaya gudaha magaalada Tripoli ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 100 qof, tira badanna waa ay ku dhaawacmeen.

Dagaalka ayaa soconaya ku dhawaad saddex todobaad.

Arrintan ayaa waxa ay noqonaysaa tii ugu dambeysay xiritaano xiriir ah oo lagu xirayo safaarado ku yaal magaalada Tripoli tan iyo todobaadkii hore.

Safiirka Britain ee Liibiya ayaa sheegay in shaqada safaarada dhawaan loo wareejin doono waddanka dariska la ah Liibiya ee Tuunisa, wuxuuna ku tilmaamay tallaabadan inay tahay mid si kumeel gaar ah loogu hakinayo howlaha safaaradda.

Safiirka ayaa bartiisa rasmiga ah ee Twitterka waxa uu ku qoray inay dalka dib ugu soo laaban doonaan marka ugu horreysa ee uu ammaanka u saamaxo.

Safaaradda ayaa muwaadiniinta Britain ka caawin doonta inay dalka ka baxaan ka hor inta aanan la xirin, hasayeeshee xafiiska arrimaha dibadda ayaa ku taliyay in adeega qunsuliyadda ay ku leedahay Britain Liibiya aanan la heli doonin wixii ka dambeeya maalinta Isniinta ah.

Ku dhawaaqida xiritaanka safaarada ayaa imanaysa todobaad kaddib markii safaaradda Mareykanka ay hakisay shaqadeedii, howlwadeenadii halkaa joogay oo dhanna laga daadgureeyay dalka.

Inta badan wadammada reer Yurub ayaa tan iyo markii ay xireen howlgalakoodii diblumaasiyadeed ee Liibiya waxa ay kula talinayeen muwaadiniintooda in aanay u safrin Liibiya.