Kalkaaliyayaal lagu wareejiyay Hindiya

  • 5 Luulyo 2014
kalkaaliyayaasha Hindiya oo ku sugan garoonka

Kalkaaliyayaashii u dhashay dalka Hindiya oo ay sii daayeen ururka Daacish ee dalka Ciraaq ayaa gaaray gobalka koonfureed ee Kerala iyadoo halkaasi loogu soo dhaweeyey si balaaran.

Xaflada soo dhaweynta oo ka dhacday garoonka Kochi ayaa waxaa horkacayey Oomen Chandy oo ah wasiirka ugu sareeya gobolkaasi.

Xubno ka tirsan qaraabadooda oo ilmeeynaya ayaa isku duubay gabdhaha la soo daayey, kalkaaliyayaashaas ayaa ku xayirmay dagaalkii u dhaxeeyey xoogaga dowladda Ciraaq iyo uururka Daacish seddex isbuuc ka hor.

Xiisad ayaa cirka isku shareertay, kaddib markii ururka daacish ay kalkaaliyayaashaasi ka wateen isbitaal ku yaala magaalada Tikrit, sedexdii bishii july.

Markii hore waxaa loo kaxeeystay magaalada Mosul kaddibna waxaa la geeyey Ebril, halkaas oo ay markii danbe ka qaaday diyaarad qaas ah oo lagu geeyey dalka Hindiya.

Dad aad u tira badan ayaa ku soo dhaweeyey garoonka oo ay ka mid yihiin qoysaskooda ayaga oo wajiyaydooda laga dheehan karo farxad.

Kalkaaliyayaasha ayaa shaqooyin ay mushaaraad badan ku qaadanayeen ku heystay Ciraaq, balse taas ayeey hadda waayi doonaan maadaama ay colaad ka aloosantahay goobtii ay ka shaqeynayeen.