Weerar ka dhacay Kenya oo 48 ku dhinteen

  • 16 Juunyo 2014
Kenya waxaa horey uga dhacay qaraxyo lagu qaaday magaalooyinka waaweyn

Alshabaab ayaa sheegatay inay qaadeen weerar socday saacado badan oo lagu qaaday deegaan ka tirsan gobolka xeebta ee dalka kenya.

Dadka deegaanka ayaa sheegay Kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen saldhig boolis iyo hoteelo ku yaala magaalada Mpeketoni oo ka tirsan magaalada Lamu.

Saraakiisha Kenya ayaa sheegay in kooxda weerarka qaaday inay gubeen dhismayaal ay ka mid yihiin dhowr hoteel.

Wasaarada arrimaha gudaha ee Kenya ayaa sheegtay in ugu yaraan 48 ruux ay dhinteen.

Dadka deegaanka ayaa dhankooda sheegay in weerarka oo bilowday xaley fiidkii illaa saaka la maqlayay rasaasta, ayna maydad badan magaalada dhexyaalaan.

Militariga Kenya ayaa sheegay in ay u maleynayaan inay weerarka ka dambeeyeen kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaallanta.

Al-Shabaab waxa ay Kenya ku qaaday weeraro xiriir ah tan iyo markii ciidamada Kenya ay gudaha u galeen dalka Soomaaliya seddax sano ka hor, si ay u caawiyaan ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga dalka Somaliya.