Ciraaq: ISIS oo qabsatay Tal Afar

  • 16 Juunyo 2014
Waxaa soo baxay video muujinaya ISIS oo dilaya askar dowladda oo ay qabteen.

Maleeshiyada suniyiinta waqooyiga Ciraaq ayaa qabsaday magaalada Tal Afar. Dadka degan magaalada Tal Afar ayaa BBC u sheegay in magaalada ay qabsadeen kooxda ISIS. Askartii iyo boliiska ayaa magaalada ka cararay iyagoo ka tegay hub. Laakiin dowladda Ciraaq ayaa sheegtay in dagaalka uu wali socdo.

Magaalada oo ay ku nool yihiin laba boqol oo kun oo qof ayaa waxaa ku nool shiico iyo suni, dad shiica ah ayaa qaxay iyagoo ka baqaya in la beegsado.

Wariyaha BBC ayaa sheegaya in dagaalka uu iskubadalayo mid la isaga soo horjeedo shiica iyo suni.

Maraykanka ayaa bilaabay inay inay la bixiyaan shaqaalaha vdiplomaatiga Baqhdad, iyagoo gaynaya meelaha Kurdishka ay maamulaan ee waqooyi bari iyo Basra oo ku taal koonfurta.