Dibadbaxyo ka dhan ah koobka aduunka

  • 16 Maajo 2014
Dibadbaxyada Brazil

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee booliska Brazil ayaa gaaf wareegaya qiyaastii dad aan ka badneyn laba kun oo ah mudaahradayaal ah, kuwaas oo ka horjeeda Koobka ciyaaraha aduunka ee lagu qabanyo Brazil. Dibadbaxayaash ayaa socod qaadacaad ah ay ku soo maray waddooyinka waaweyn ee magaalada Sao Paulo.

Waxa ay ruxayeen boorar iyo halkudhigyo waxaana si dhaw ula socday oo hareeraha ka taagnaa booliska ka hortaga rabshadaha.

Laakiin xaaladda ayaa mar kaliya faraha ka baxday oo isu rogtay rabshado, markii la weeraray bangi iyo shirakad gawaarida iibisa.

Mudaharaadayaasha ayaa waxa ay ku eedeeynayeen shirkadaha waaweyn ee caalamiga ah, in ay faa’iido ka badan ka helayaan koobka ciyaaraha aduunka tan ay ka helayaan dadka wadankaasi.

Boolisku waxa ay ku jawaabeen sunta dadka kaga ilmeysiisa iyo garneylada qiiqoodu uu dadka dawaqiyo, taas oo keentay in mudaharaayaashii si deg deg ah loo kala ceyriyo oo uu dhamaado mudaaharaadkii .

Mudaaharaayo kuwaa la mid ah balse ka tiro yar ayaa waxa ay ka dhaceen Rio De Janeiro iyo magaalooyin kale.

Walaaca ugu weyn ee dowladda Barazil ayaa waxa uu yahay, in dhaqdhaqaayada looga horjeedo ciyaaraha koobka aduunka ay dib u bilowdaan oo ay arbushaad galiyaan tartanka qudhiisa, kaas oo ka bilaabanaya magaalada Sao Paulo 12-ka bisha soo socota ee June.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan