Dad ku dhintay Qaraxyo ka dhacay Nairobi

Mid kamid ah basaskii maanta la qarxiyay ee dadka badan ay ku dhaawacmeen

Laba bas ayaa lagu qarxiyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Basaska waxay marayeen wadada weyn ee Thika, ee isku xirta caasimadda iyo gobolada Bariga iyo waqooyiga Kenya.

Wararka ayaa sheegayo in waxa qarxay lagu tuuray basaskan ka dhex shaqeeyo magaalada Nairobi.

Booliska iyo warbaahinta Kenya ayaa xaqiijiyay weeraradan lagu qaaday gawaaridan.

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay qaraxyada, waxaana ku dhaawacmay ku dhowaad 60 qof sida ay sheegayaan hay'adaha gurmadka, iyo Cisbitaalada.

Booliska Nairobi ayaa halkaasi gaaray, waxayna sheegayaan inay baarayaan qaraxa ka dhacay wadada Thika, meel ku dhow hoteel caan ah iyo suuq ganacsi.

Kenya ayaa horey ugu eedeysay weeraro kuwan lamid ah inay ka dambeeyeen kooxda Al-shabaab ee Al-qacidda xiriirka la leh ee ka dagaallanta Somaliya.

Qaraxyo ka dhacay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka kenya

Weerarkii ugu xumaa ee ka dhacay Kenya waxa uu ahaa kii lagu weeraray dhismaha ganacsiga ee westgate, kaasoo ay ku dhinteen ku dhowaad 70 qof, waxaana masuuliyadiisa sheegtay Al-shabaab.

Afar qof ayaa ku dhimatay qaraxyo kuwan lamid ah oo xalay ka dhacay magaalada xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya, waxayna weeraradan imaanayaan bil kadib howlgalo ay dowladda sheegtay inay amniga ku xoojineyso.