Ku dhawaad 700 oo dil lagu xukumay Masar

  • 28 Abriil 2014
Masar
Dadka dilka lagu xukumay waxaa ka mid hoggaamiyaha Ikhwaanul Muslimiinka, Maxamad Badiic.

Dad gaaraya 700 oo ruux oo ah taageerayaasha ururka Ikhwaanul Muslimiin ee Masar ayay maxkamad soo jeedisay in dil lagu xukumo, waxaana dadkaas ka mid ah hoggaamiyaha ururkaas Maxamad Badiic.

Eedaysanayaasha ayaa loo haystaa in ay dileen askari boolis ah intii ay socdeen rabshadaha bishii Agoosto. Xukunkaasi ayaa kiciyay dhaleecayn ballaaran oo caalami ah.

Xukunka dilka ah ayey maxkamadu shaacisay bishii Maarso ee la soo dhaafay, kaddib markii ay dhageysiga dacwada socotay muddo saacad ah.

Qareenadii difaacayay eedaysanayaasha ayaa loo diiday in ay maxkamadda soo galaan, sidoo kalena looma akhrin eedaha loo haystay.

Kiiska ayaa loo gudbiyay muftiga ugu sarreeya ee Masar - oo ah mid ka mid ah madaxda diinta ee dalkaasi - balse argatidiisa ku aadan go'aanka maxkamadda ayaanan aheyn mid wax baddeli karto.

Ururka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa beeniyay in taageerayaashooda ay ka dambeeyeen rabshado dalkaas ka dhacay kaddib markii xukunka laga tuuray Maxamad Mursi.

Balse mas'uuliyiinta dowladda Masar ayaa ururka ku eedeynayo rabshadaha dalka ka dilaacay tan iyo markii militeriga uu talada ka wareejiyay Mursi.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan