Nigeria: Jahawareer gabdhihii la afduubay

  • 17 Abriil 2014

Waxaan weli war sugan laga hayn xaalka in ka badan boqol gabdhood oo arday ah, kuwaas oo laga shakisan yahay in ay afduubteen kooxda Boko Xaram ee dalka Nigeria.

Gabdhaha ayaa laga afduubtay gobolka Waqooyi Bari Nigeria ee Borno.

Militariga Nigeria ayaa sheegay in inta badan gabdhaha ay baxsadeen, balse xogta ay BBC-da hayso warkaa aad ayuu uga duwan yahay.

Ahyaheen u hadlay militariga ayaa sheegay in 129 haween ah oo la afduubtay, haatan sideed kaliya la la'yahay.

Waxaana uu sheegay in inta kale gabdhahaasi ay baxsadeen.

Balse ma ay jirto cidd si madax banaan u xaqiijin karto arrintan.

Hadalka afhayeenka militarigana waxa uu imanayaa saacado un ka hor markii barasaabka gobolka Borno uu sheegay, in inta badan gabdhihii la afduubay weli la la'yahay.

Weerarkii lagu qaaday iskuulkii ay gabdhaha ku xareysnaayeen ee waddanka Nigeria ayaa waxa uu fadeexo weyn ku yahay mas'uuliyiinta waddanka Nigeria, kuwaas oo sheegay in howlgalka ka dhanka ah kooxda Boko Xaraam in uu yahay mid guul ku socda.

Dagaalyanahada Boko Xaraam ayaa weerar joogta ah soo qaada, iyadoo ugu yaraan maalinkasta ay dad rayid ah dhintaan.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan