BBC navigation

Qarax ka dhacay Nigeria oo 71 ruux ku dhinteen

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 14 Abriil, 2014, 15:24 GMT 18:24 SGA

Basas ku burburay qaraxyada ka dhacay saldhigga Nyanya

Saraakiisha Nigeria ayaa sheegay in 71 qof lagu dilay qarax ka dhacay goob basaska laga raaco oo ku taalla meel ka baxsan magaalada Abuja ee caasimadda Nigeria.

Qof goob joog ahaa ayaa waxa uu sheegay in uu meydka meel walba ku firirsanaa.

Weriyaasha ayaa waxay sheegayaan in laga yaabo weerarka ay geysteen ururka Islaamiga ee Boko Haram.

Qaraxa ayaa dhulka waxa uu ka qoday ilaa hal mitir iyo labaatan, wuxuuna bur buriyey in kabadan soddon baabuur oo ku sugnaa Nyanya oo ah meel baabuurta la dhigto.

Qaraxa ayaa waxa kale uu keenay inuu dab qabsado qaraxyana ay ka dhashan tangiyada shidaalka ee baabuurta gubatay.

Babuurta gurmadka deg degga ayaa dadka dhaawaca ah iyo kuwa dhintay u qaaday isbitaaladda degaanka ku dhow.

Kooxaha gargaarka oo ku sugan goobta qaraxa

Haweeney goobjoog ah oo la yiraahdo Mimi Daniels oo ka shaqeysa magaalada Abuja ayaa u sheegtay wakaaladda waraarke ee Reuters in ay sugeysay bas marka ay maqashay qarax weyn kaddibna ay aragtay qiiq.

Qof kale oo makhaati ah ayaa u sheegay BBC in uusan arag wax sidaas oo kale ah. Waxay aheyd wax aad iyo aad u xun. Waxaa uu ahaa qarax bomb bay yirahdeen.

Si weyn ayaan u kala caraarnay. Cid ayaa tiri waxay ku dhex rakibeen bomb mid ka mid ah basaska. Dhab ahaantii dad badan ayaa ku dhintay meesha shilku ka dhacay. Qaar ka mid ah dadkaas oo dhibku gaaray waxaan baryaynaa in ay ka soo kabtaan.

Dadka dhintay ma qiyaasi karo, waa ay badan yihiin. Weli waxaan arkeynaa gaadiidka gurmadka degdegga ah oo meydad keenaya, marka laga gudbo dadka la geeyay isbitaaladda kale.

Ururka Boko Haram ayaa dhowr goor oo hore weeraray magaalada Abuja weeraradas waxa ka mid ahaa mid ay ku qaadeen dhismaha Qaramada Miodobey sanadkii 2011.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.