Qaraxyo dad ku dilay Hindiya

  • 13 Abriil 2014

Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhintay laba qarax oo miino, oo laga shakisan yahay in ay ku aaseen jabhad gooni ugoosad ah, gobolka ku yaalla bariga Hindiya ee Chhattisgarh.

Xilliga ay qaraxyada dhacayeen ayaa waxaa gobolka ka socday doorashada guud.

Qaraxa koowaad ayaa haleelay gaari bas ah oo waday saraakiil doorashada qaabilsan oo marayay magaalada Bijapur, sida ay booliska sheegeenna, todobo qof ayaa halkaasi ku dhintay.

Qaraxa labaad oo saacad iyo bar un ka dambeeyay kan hore, ayaa ku dilay magaalada Bastar, shan askari oo boolis ah, kuwaasi oo saarnaa gaari gurmadka deg deg ah

Hindiya ayaa Isniintii lasoo dhaafay bilowday doorasho guud oo soconaysa shan todobaad.

Jabhadda Maoist ee laga shakisan yahay ayaa horray u fulisay dhowr weerar, waxaana ay ku doodaysaa in dadka faqiirka ah ee Hindiya aysan ka faa’iideysan kheyraadka dhulkooda.

In ka badan 814 milyan oo qof ayaa codkooda ka dhiinaya doorashada Hindiya ka socota.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan