CAR: Dad ku dhintay dagaal diimeed

Booliska jamhuuriyadda bartamaha Afrika ayaa sheegay in ugu yaraan 30 qof ay ku dhinteen 10 kalana ay ku dhaawacmeen dagaal caqiido ku saabsan oo ka dhacay dalkaasi.

Saraakiisha dalkaasi ayaa xaqiijiyay in dadka ku dhintay magaalada Dekoa ay u badan yihiin shacab ay ku dhacday rasaas wiifto ah.

Dagaalka ayaa ka dhashay weerar ay maleeshiyada masiixiyiinta ee Anti-Balaka ay ku qaadeeg magaalada Dekoa oo ay maamulaan kooxda muslimiinta ee Seleka.

Meleteriga Faransiis ka ee ku sugan magaalada caasimadda ee Bangui ayaa bilaabay inay ilaaliyaan amniga wadooyiin ka muhiim ka ah.

Nabad ilaaliyayaasha Faransiiska iyo midowga Afrika ayaa weli ku dadaalayo inay ka hortagaan mowjado rabshado ah oo u dhexeeyo Muslimiinta iyo masiixiyiinta ee ka taagan Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.

Kumannaan qof ayaa ku dhimatay, in kabadan hal milyan oo qofna guryahooda ayey ka qexeen tani iyo markii dagaalka uu bilowday.