BBC navigation

Ciidanka Ukraine ee Crimea oo la weeraray

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 19 Maarso, 2014, 05:43 GMT 08:43 SGA
Crimea

Ciidammo taageersan Ruushka ayaa la wareegay xero militeri oo ay leeyihiin ciidanka Ukraine

Ciidammo taageersan Ruushka ayaa weeraray xero ay lahaayeen ciidammada badda ee Ukraine oo ku sugnaa gobolka Crimea.

Gobolkaas ayaa haatan lagu daray Ruushka kaddib markii afti laga qabtay halkaas.

Ukraine ayaa sheegtay in taliyihii militeri laga waday xerada.

Dhowr askari oo reer Ukraine ah ayaa goor sii horraysay la arkayay iyagoo isaga tegaya xeradaa

Ruushka iyo reer galbeedka ayaa si weyn isugu khilaafay aftida laga qabtay Crimea.

Ruushka ayaa ka digay in reer galbeedka ay cawaaqib xumo la kulmi doonaan haddi ay ku soo rogaan cunaqabatayn dhanka dhaqaalaha.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka Sergey Lavrov ayaa sheegay in dalkiisu tallaabo qaadi doono haddi Maraykanka iyo Europe ay ku soo rogaan cunaqabatayn.

Crimea

Dibedbaxyo lagu taageersan yahay Ruushka Crimea

Dowladda KMG ee Ukraine ayaa goor sii horreysay sheegtay in hal askari looga dilay iska hor imaadyo ka dhacay Crimea.

Arrintan ayaa timid saacada yar kaddib markii ay hoggaamiyayaasha Ruushka iyo gobolka Crimea kala saxiixdeen heshiis Crimea ka dhigaya qeyb ka mid ah Ruushka.

Maraykanka iyo Britain

Milateriga Ukraine ayaa sheegaya in mid ka mid ah askartooda uu iska hor imaadka ku dhintay, halka mid kalena uu ku dhaawacmay.

Caasimada Ukraine ee Kiev, Ra'iisalwasaare Arseniy Yatsenyuk, ayaa sheegay in khilaafka ku salaysan Crimea uu hadda isu beddelay colaad hubaysan.

Waxaa uu ugu baaqay Maraykanka iyo Britain in ay gacan siiyaan Ukraine.

Dowladda Maraykanka ayaa cambaaraysay qaabka uu Ruushka kula wareegay gobolka Crimea, waxaana ay ku tilmaantay dhul xoog lagu qaatay isla markaana meel ka dhac ku ah madaxbannaanida Ukraine.

Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in dalkiisu cunaqabateyn dheeraad ah ku soo rogi doono Ruushka.

Vladamir Putin

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka John Kerry ayaa sheegay in Madaxweyne Obama, uusan dooneyn dagaal uu la galo Ruushka, balse uusan gacmaha ka laaban doonin waxa uu ugu yeeray qabsashada Crimea.

Afhayeen u hadlay Madaxweynaha Ruushka ayaa dhankiisa sheegay in Ruushka uusan dooneyn in uu qabsado qeybaha kale ee dalka Ukriane.

Xiriirrada macnaha ka dhexeeya

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.