Qarax lala eegtay AMISOM

  • 17 Maarso 2014

War goor dhow na soo gaarayna wuxuu sheegayaa in baabuur miino ka buuxdo lagu weeraray kolonyo ciidamada AMISOM ah oo sii galayay xarun ay ku leeyihiin deegaanka Carbiska oo u dhow magaalada Afgooye.

Al-Shabab oo sheegatay in ay ka dambaysay waxay leedahay dhowr iyo toban ayaan ku dilnay.

Balse, AMISOM way beenisay in cid ay uga dhimatay weerarkan isqarxinta baabuurka, iyagoo sheegay in darawalkii gaariga ay toogteen ka hor inta uusan baabuurka qarxin.

Wixii faahfaahin ah idaacadda dambe ayaad ku maqli doontaan.