BBC navigation

NATO oo la socon doonto xaaladda Ukraine

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 11 Maarso, 2014, 23:36 GMT 02:36 SGA

Qaar ka mid ah Ciidamada Ruushka ee jooga gobolka Crimea ee dalka Ukraine

Gaashaanbuurta NATO ayaa sheegaysa in diyaaradaha wax basaasa ee aan duuliyaha la hayn ay u diri doonto Poland iyo Romania, tallaabadaasi oo qayb ka ah dedaalada lagula soconaya xaaladda dalka Ukraine.

Diyaaradahaasi ayaa laga billaabo maalinta talaadada ah waxa ay ka duuli doonaan saldhigyo ku yaala Jarmalka iyo Britain.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa markii shanaad ka kulmay mushaakilka ka aloosan dalka Ukraine muddo toban maalmood godahood ah.

Safiirka Britain u fadhiya Qaramada Midoobey Mark Lyall Grant ayaa sheegay in aftida la qorsheynaya in maalinta axadda ah loo qaado mustaqbalka gobolka Crimea ay noqoneyso mid sharci darro ah maadaama aysan noqon doonin mid xor iyo xalaal ah.

Waxa uu intaasi ku daray in intabadan xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo uu ka mid tahay Shiinaha oo intabadan xulufo la ah Ruushka ay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ilaalinta madaxbannaanida dhuleed ee Ukraine.

Maalmo ka hor ayaa Ruushka waxa uu ciidamo ku soo daadiyay gobolka Crimea, waxana tallaabadaasi ka dhashay cambaarayn caalami ah oo dalalka reer galbeedka u soo jeediyeen Ruushka.

Mareykanka ayaa kal hore ka digay xad gudub lagu sameeya madaxbannaanida dhuleed ee dalka Ukraine.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.