BBC navigation

Dagaal ka dhacay Baydhabo

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 5 Maarso, 2014, 18:41 GMT 21:41 SGA

Ugu yaraan shan askari ayaa ku dhimatay dhawr kalana waa ay ku dhaawacmeen iska horimaad galabta ku dhexmaray Bar Kontrrol oo ku taalla xaafadda cadaadda ee degmada Baydhabo ciidamo boolis ah iyo kuwa meleteri ah oo kuwada tirsan maamulka gobolka Bay.

Sida ay BBCda u xaqiijiyeen ilo madax banaan, oo ku sugan degmada Baydhabo waxa shanta qofood ee dhimatay ku jira taliye ku xigeenkii qeybta booliska Bay Nishow kurtun.

Gawaari kolonyo ah, oo ka yimid dhanka wadada Buurhakaba, oo ay wateen militariga, ayaa waxa ay markii sida la sheegay ay soo gaareen barta kontrool is af-garan waayeen baaris lagu sameeyo gaadiidka taas oo durbo dhalisay in dagaal loo kala baxo.

Gudmoomiyaha gobolka Bay Abdi Aden Hoosoow oo telefoonka aan kula xiriiray ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay dhacdada manta dhacday waxana uu sheegay in uu u tacsiyadeynayo eheleda taliye ku xigeenka qeybta booliska ee gobolka Bay ,waxa gudoomiyuhu uu intaa ku daray in ay wadaan baaris la xariirta sidii ay wax u dhaceen.

Xildhibaaan Afaraaale oo ka mid xildhibaano ku sugan Baydhabo ayaa isaguna dhankiisa waxa uu BBCda u sheegay in xiisadda galabta dhacday aaney wax lug ah ku laheyn shacab iyo siyaasad toona.

Khilaafka siyaasadeed

Magalada Baydhabo ayaa waxaa ka taagan ismaandhaaf siyaasadeed waxa sidii loo qorsheeyay aan manta u qabsoomin banaanbax lagu taageeryay maamulka lixda gobo lee Baydhabo looga dhawaaqay waxana saaka lagu arkayay garoonka K/cagta ee Darbana Muudeey ciidamada AMISOM oo dadka ka celinyay in ay halkaasi ku bannaan baxaan.

Waxa berri lagu wadaa in Baydhabo lagu dhaariyo laguna caleemo saaro Madoobe Nuunow Maxamed oo mid ka mid shirarkii Baydhabo ka socday loogu doortay madaxweynaha lixda gobo lee koofur Galbeed Soomaaliya.

Dhanka kale kooxda iyaguna shirka uu uga socda Hoteelka bakiiin ee isla Baydhabo ayaa sheegay in si habsami ah uu ugu socdo shirkoodii maamul u sameynta sadax gobol.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo urur goboleedka IGAT iyo Qaramada Midoobay ayaa ka soo horjeestay natiijada shirka Baydhabo ee maamulka looga dhawaaqay dhawaan waxana ay dowladda Soomaaliya si cad u sheegtay in aaney aqbali doonin wax kasta oo liddi ku ah dastuurka wadanka u yaal , laakiin Malaaaqyo uu ka mid yahay Malaaq Deeroow ayaa waxa ay qabaan in shacabka aqlabiyadiisu ay tashteen caalamka iyo dowladda Federaalkana ay haboon tahay in ay tixgalyaan rabitaanka shacabka.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.