K Galbeed oo dooratay madaxweyne

  • 3 Maarso 2014
Madobe
Madobe Nunow

Shir ka socday magaalada Baydhabo ayaa Madobe Nunow loogu doortay inuu noqdo madaxweynihii ugu horrey ee maamulka "koonfur galbeed" Soomaaliya.

Shirkan oo muddo dheer ka socday Baydhabo ayaa waxaa barbar socday shir kale oo la doonayay in maammul looga sameeyo saddex gobol.

Madobe Nunow ayaa haatan la sheegayaa in loo doortay inuu madaxweyne ka noqdo lix gobol oo ku yaalla koonfur galbeed Soomaaliya.

Madobe Nunow ayaa horey xildhibaan uga soo noqday xilligii dowladda KMG ee uu hogaaminayay Sheekh Sharif Sheekh Axmed.

Kismaayo waxaa ka jiro maamul isaguna sheegaya inuu masalaya saddex gobol oo ka mid ah lixda loo caleema saaray Madobe Nunow.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkan uu ka hor imaadsan yahay destuurka Soomaaliya.

Wafdi ka socday dowladda oo Baydhabo u tegay inuu xalliyo khilaafaadka la xirira shirkan ayaan wax guul ah ka soo hoyin.

Dadka wax indha-indheeya ayaa ka cabsi qabo in arrintan ay colaad u horseedda gobollada lagu muransan yahay ee koonfur galbeed Soomaaliya.