Uganda: Bangiga adduunka oo dib u dhigay 90m

  • 28 Febraayo 2014
Uganda
Dad taageersan sharciga ka dhanka ah dadka isku jinsiga ee isu galmooda Uganda

Bangiga Adduunka ayaa dib u dhigay lacag 90 milyan oo doolar ah oo dayn ahaan loo siin lahaa dowladda Uganda kaddib markii uu madaxweyne Museveni ansixiyay sharci adag oo looga hortagayo dadka isku jinsiga ee isu galmooda.

Bangiga Adduunka ayaa sheegay inuu doonayo inuu hubiyo in sharciga cusub uu wax u dhimi doonin adeegsiga lacagtan.

Lacagtan daynta ayaa la filayay inay horumariso waaxda caafimaadka Uganda.

Sharcigan oo la ansixiyay dhowr maalmood ka hor ayaa sii adkaynaya sharciyada markii horeba qalafsanaa ee ka dhanka ah dadka isku jinsiga ee isu galmooda.

Waxaa uu dhigayaa in dadka noocaas ah lagu xukumo cumri xarig.

Waddamada reer galbeedka iyo hay'adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa si weyn u cambaareeyay sharcigan.

Lacagtan Bangiga Adduunka ayaa la filayay in lagu horumariyo caafimaadka hooyooyinka iyo dhallaanka.

Waa dhawacii ugu weynaa ee soo gaara Uganda tan iyo markii la ansixiyay sharcigaas.

Dowladaha reer galbeedka ayaa sheegay inay dib u eegid ku samaynayaan gargaarka ay siiyaan Uganda sharcigaas kaddib.