Ruushka oo looga digay faragelin militeri

  • 27 Febraayo 2014
Ukraine
Dibedaxayaal taageersan Ruushka oo ay isku dhaceen boliiska

Mareykanka ayaa Ruushka uga digay faragelin military oo uu ku sameeyo Ukraine.

Madaxweynaha Ruushka ayaa si lama filaan ah u amray dhaq-dhaqaaq military koonfurta Ruushka meel u dhow xuduudda Ukraine.

Afhayeenka waaxda arrimaha dibadda mareykanka Jen Saki ayaa sheegtay in tallaabadaasi ay tahay mid aad u xun.

Ruushka ayaa cambaareeyay dibedbaxyada xukunka looga tuuray madaxweynihii hore ee dalkaas Viktor Yanukovych.

Yanukovych ayaa si weyn u taageersanaa Ruushka.

Qalalaasaha Ukraine ayaa billawday kaddib markii madaxweynihii xilka laga tuuray ee Yanukovych uu diiday inuu heshiis la gaaro Midowga Yurub isagoo doorbiday inuu xiriir dhaw la yeesho Ruushka.

Dibedbaxyadii xukunka looga tuuray Yanukovych ayaa weli ka socda caasimadda Ukraine ee Kiev.

Shakhsiyaadka lagu wado in ay ka mid noqdaan golaha wasiirrada cusub ee KMG ah ee Ukraine ayaa loo soo bandhigay dad ku sugnaa fagaaraha xorriyadda ee bartamaha Kiev.

Dadkan waxaa ka mid ah nin loo xiray oo loo jirdilay dibedbaxyadii dowladda looga soo horjeeday ee xilka looga tuuray madaxweyne Viktor Yanukovych.

Hoggaamiyayaasha midigta fog oo ay ka mid yihiin jilaa caan ah iyo dhakhtar caawinayay dadkii ay dhaawacyadu ka soo gaareen dibedbaxyada iyo waliba hoggaamiyaha xisbiga Fatherland Arseniy Yatsenyuk oo loo qorsheeyay inuu noqdo ra'iisalwasaaraha cusub ayaa ka mid ah dadka xilalka loo magacaabay.

Yatsenyuk ayaa BBC-da u sheegay in Ukraine aanay kala qeybsami dooni balse dowladda cusub ay howl adag u taalo.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan