Xaaladda saxaafadda geeska Afrika

  • 12 Febraayo 2014
Weriyayaal
Madaxa Shabeelle Cabdimalik Yusuf iyo weriye Maxamed Bashir oo maxkamad la soo taagay

Warbixin uu soo saaray ururka Suxufiyiinta aan Xuduudda Lahayn ayaa si weyn loogu dhaliilay xaaladda saxaafadda waddamada ku yaalla geeska Afrika.

Warbixinta ayaa ururka Al-Shabaab ku eedeeysay inay bartilmaameedsadaan saxaafadda xorta ah.

Dalka Soomaaliya ayaa la sheegay inuu yahay dalka ugu xun ee uu weriye ka shaqeyn karo.

Ururka Suxufuyiinta aan xuduudda lahayn ayaa sheegay in gumaadka weriyayaasha uu gaaray heer la dejinayo goobaha ay ka shaqeeyaan.

Warbixinta ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay xaaladda uga sii darayso.

Wasaaradda Amniga ee dowladda ayaa la sheegayaa inay amartay in la xiro idaacadda Shabeelle, kaddib markii ay sii daysay warar is daba joog ahaa oo ka hadlyay xaaladda amaan darro ee ka jirtay Muqdisho.

Qalabkii idaacadda ayaa maalmo kaddib la soo celiyay, balse lama adeegsan karo oo waa la kharibay.

Ilaa haatan maammulka idaacadda waxay fasax shaqo ka sugayaan dowladda Soomaaliya, si ay u howlgalaan.

Warbixinta ayaa sidoo kale ka dayrisay xaaladda weriyayaasha ee dalka Itoobiya.

Waxay sheegtay in haatan ay meesha ka baxday rajadii laga qabay inay wax ia baddelaan kaddib markii uu geeriyooday Ra'iisalwasaarihii hore ee dalkaas Meles Zenawi.

Ururka ayaa sheegay in sharciga la degaalanka argagixisada ee la ansixiyay sanadkii 2009-ka loo adeegsado in lagu caburiyo weriyayaasha.

Dhowr weriye ayaa la sheegayaa inay ku jiraan xabsiyada dalkaas.

Dalka Djibouti ayaa la sheegayaa inaan xitaa laga garanayn saxaafadda xorta ah.

Dowladda Djibouti ee madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu eedeynayaa inay caburiso saxaafadda xorta ah.

Xabsiga ugu weyn ee weriyayaasha

Warbixinta ayaa sheegtay in Eritrea ay tahay xabsiga ugu weyn ee weriyayaasha Afrika.

Waxay sheegaysaa in tan iyo sanadkii 2001-da, xilligaas oo Madaxweynaha dalkaas Esayas Afewerki uu xiray dhamaan warbaahinta madax banaan, ay xaaladda weriyayaasha ee dalkaas ay sii xumaanaysay, iyadoo xabsiga loo taxaabay.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan