Soo dejiso qalabka wax-ku-dhageysiga ee hoose

Muuqaal tayo sare leh mp3 (4.1 Mb)

Waraysi: Wasiirka Amniga Qaranka

4 Febraayo 2014 Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyay 21:28 SGA 18:28 GMT

Magaalada Muqdisho oo labadii habeen ee la soo dhaafay qal qal weyn uu dadku galay markii la maqlay qaraxyo is xig xiga ayaa maanta masuuliyiinta dowladdu waxa ay lahaayeen kulamo amniga looga hadlayo kuwaas oo qaarkood uu ka qeyb galay ra'isul wasaaraha Soomaaliya.

Galinkii dambe ee maanta ayaa wasiirka amniga Cabdikariin Xuseen Guuleed wuxuu kulan la qaatay ururada bulshada rayidka.

Weriyaha BBC ee Muqdisho Maxamed Ibraahim Macalimuu, ayaa wasiirka ka wareystay waxyaanihii ay ka wada hadleen: