BBC navigation

Somaliland oo mamnuucday Universal TV

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 3 Febraayo, 2014, 11:32 GMT 14:32 SGA

Media Player

Masuuliyiinta Somaliland ayaa sheegay in telifishanka af soomaaliga ku hadla ee Universal TV laga joojiyay inuu ka hawlgalo deegaanda Somaliland, iyagoo ku eedeeyay inuu dacaayad ka fidiyay Madaxweynaha Somaliland.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Universal TV waxa xaruntiisa weyn ay ku taal London

Masuuliyiinta Somaliland ayaa sheegay in telifishanka af soomaaliga ku hadla ee Universal TV laga joojiyay inuu ka hawlgalo deegaanda Somaliland .

Wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdullahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa sheegay in Universal TV uu ka fidiyay dacaayad rakhiis Madaxweynaha Somaliland barnaamij uu todobaadkan sii daayay.

Maxamed caabi digaale agaasimaha universal tv ee somaliland ayaa BBC u sheegay in xukuumada somaliland ka cadhootay barnaamij lagu magacaabo Faaliyaha Qaranka oo ah barnaamij majaajilo siyaasadeed oo inta badan lagu soo qaato siyaasiyiinta waaweyn ee Soomaaliyeed.

Wuxuu Caabi sheegay inuu u arko shaqada laga joojiyay Universal tv go'aan lagu degdegay , xorriyadda saxaafadana meel kaga dhacaya .

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.