Weriye Idaacadda BBC ayaa geeriyootay

  • 28 Jannaayo 2014
Anne Waithera
Weriyaha geeriyootay Anne Waithera

Cudurka cancer oo hayay labadii sano ee ugu dambeeyay ayay xalay ugu dhimatay isbitaal ku yaal Nairobi.

Waxay ka mid noqon kartaa weriyeyaasha idaacadeed ee ugu kartida badan waqtigeeda, waxayna Anne ku soo biirtay BBC-da sanadkii 2009-kii kaddib sannado badan oo ay si firfircoon uga shaqeynaysay saxaafadda Kenya.

Waxay ka soo shaqeysay warbaahinta Media House oo ka mid ah kuwa Afrikada bari ugu horreeya, kooxda Nation Media iyo TV-ga Citizen oo ay wararka ka sii deyn jirtay. Waxay ahayd weriyihii ugu horreeyay ee labo luuqadood ku hadla ee BBC uga soo warrama magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Geeriada Anne waxay timid labo toddobaad ka yar waqtigii uu dhintay weriye kale oo aad loo jeclaa oo barnaamijyada BBC qaddimi jiray, Komla Dumor, oo London ku geeriyooday.

Waxaa saaka tacsi laga dareemayay xafiiska Nairobi iyadoo asaxaabtii ay wada shaqeyn jireen ay isku deyayeen inay la qabsadaan wararka ku saabsan geerida Anne.

Dad badan ayaa tacsi u diray qoyska iyo saaxiibbada Anne oo ay ku tilmaameen qof naxariis badan, raxmad leh doorna ka qaadan jirtay hawsha koox ahaaneed oo si weyn looga tebi doono. Muddo daqiiqad ah ayaa la aamusay shaqaalaha xafiisyada BBC Afrika ee Nairobi, London, Dakar and Abuja si loo qaddariyo Anne.

Madaxa BBC Afrika, Solomon Mugera, waxaa uu halkaas ka sheegay inay tahay wax aad looga xumaado geerida Anne oo uu ku tilmaamay qof dhiirran, habeysan iyo weriye hibo leh.

Maamulaha xiriirka caalamiga ah ee BBC, Razvan Scortea, waxaa uu sheegay inuu aad uga naxay geerida Anne oo uu sheegay inay ahayd qof wanaagsan, oo soo baxaysa, oo dabeecad fiican leh.Wuxuuna u rajeeyay in Ilaahey u naxariisto.

Madaxa Laanta Afka Swahil-ga, Cali Saalix iyo maamulaha xafiiska BBC ee Afrikada bari, David Okwemba, waxay Anne ku tilmaameen weriyaha ugu fiican ee labo luuqadood ku hadla ee Kenya laga helo.

Geeridaasina ay la tagtay weriyihii ugu hibada badnaa Afrikada bari oo ku jirtay waqtigii ay ugu wanaagsanayd. Anne Waithera waxay ahayd 39 jir.