BBC navigation

Xabadjoojin laga gaaray South Sudan

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 24 Janaayo, 2014, 04:58 GMT 07:58 SGA
South Sudan

Ciidammada South Sudan ayaa mucaaradka ka qabsaday magaalooyinka Bor iyo Bentiu

Dowladda South Sudan iyo Mucaaradka ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kuwada saxiixday heshiis xabad joojin ah.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegayo in heshiiska uu keenayo in la sii daayo siyaasiyiinta maxaabiista u ah madaxweyne Salva Kiir.

Mucaaradka ayaa shardi ka dhigay sii daynta maxaabiista si heshiis loo gaaro.

Waxaa sidoo kale qodobbada heshiiska ka mid ah in la kormeero oona la hubiyo in xabad joojinta ay dhaqangasho.

Kumanaan ruux ayaa dhintay

Kumannaan ruux ayaa ku dhintay dalka South Sudan tan iyo xilligii dagaalka uu bilwoday bartamihii bishii December ee sanadkii tagay.

Dagaalka ayaa u dhexeeya taageerayaasha madaxweynaha dalkaasi Salva Kiir iyo ninka ay is hayaan ee Riek Mashar.

Kiir

Madaxweyne Salva Kiir ayaa kuxigeenkiisii hore ku eedeeyay afgembi

Machar ayaa horey madaxweyne kuxigeen u ahaa ka hor intaan shaqada laga eryin bishii July sanadkii tegay.

Kiir ayaa ku edeeyay Machar inuu ka dambeeyay afgembi dhicisoobay oo uu sheegay inuu dalkaas ka dhacay bartamihii bishii tegtay.

Machar ayaa beeniyay eedeyntaas, waxaana uu Kiir ku eedeeyay inuu doonaya in arrintaas uu u adeegsado inuu ku fogeeyo dadka ay siyaasad ahaan isaga soo horjeedaa.

Xiriirrada macnaha ka dhexeeya

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.