Itoobiya oo AMISOM ku biirtay

  • 22 Jannaayo 2014
Ciidammada Itoobiya

Ciidammada Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa haatan ku biiray howlgalka AMISOM.

Warkan waxaa lagu shaaciyay xaflad lagu qabtay magaalada Baydhabo ee ay maammulaan ciidammada Itoobiya.

Maanta ka hor, Itoobiya ayaa ahayd dalka kaliye ee ay Soomaaliya ka joogeen ciidammo aan hoos imaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Waxay dalka soo galeen sanadkii 2011-ka, xilligaas oo ay sheegeen inay dowladda Soomaaliya ka caawinayeen inay gacanta ku dhigta gobollada koonfur-galbeed ee dalkaas.

Balse, Itoobiya ayaa horey gudaha Soomaaliya u gashay dhowr jeer u hore, laga soo billaabo 1990-meeyadii, xilligaas oo ay la dagaallamaysay ururkii Al-Itixaad ee ka howlgali jiray xadka Itoobiya iyo Soomaaliya.

Sanadkii 2006-da, waxay gaareen Muqdisho, iyadoo xukunka ka tuuray Midowgii maxkamadaha Islaamiga, ee gacanta ku dhigay inta badan koonfurta Soomaaliya.

Tallabadan ay Itoobiya ugu biirtay AMISOM ayaa u suuragelin doonto in ay si toos ah ula shaqeyso ciidammada kale ee Afrikaanka ah ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Dadka wax indheindheeya ayaa sheegaya in laga yaabo xitaa in la maalgeliyo ciidanka Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya