Samba-panza: Madaxweynaha CAR

Catherine
Catherine Samba-panza

Catherine Samba-panza ayuu baarlamaanka Jamhuuriyada Bartamaha Afrika u doortay in ay noqoto Madaxweynaha KMG ah ee dalkaasi.

Samba-Panza ayaa ah qareen kusoo tababaratay dalka Faransiiska.

Shaqada ugu horreysa ee hortaalla ayaa ah inay xasilooni kusoo dabaasha dalka ay hareeyeen dagaallada u dhexeeya Muslimiinta iyo Kiristaanka.

Catherine ayaa ah haweeney Kiristaan ah, balse waxaa loo arkaa in dhinacyada dhamaantood ay aqbaleen xilligii ay ahayd Duqa magaalada caasimadda ee dalkaas ee Bangui.

Madaxweynihii ka horreyay, Michel Djotodia, ayaa culays lagu saaray inuu is casilo, iyadoo lagu eedeeyay inuu wax ka qaban waayay qalalaasaha dalkaas ka socda.

Waxaa uu ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Muslin ah ee dalkaas hoggaamiye ka noqda.

Waxaa xukunka u dhiibay Jabhadda Seleka oo iyadu xukunka ka ridday madaxweynihii isaga ka sii horreeyay ee Francoise Bozize.