Soo dejiso qalabka wax-ku-dhageysiga ee hoose

Muuqaal tayo sare leh mp3 (2.8 Mb)

Wadahadalka Somalia iyo Somaliland

19 Jannaayo 2014 Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyay 20:40 SGA 17:40 GMT

Wadahadaladii uga socday magaalada Istanbul ee Turkiga ergooyinkii ka kala socday dowladda federalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxa ay ku heshiiyeen in wadahadalka la sii wado oo qorshe loo dejiyo wada hadalada mustaqbalka..

Waxaa kale oo ay ku heshiiyeen guddi xogheyn joogto ah oo labada dhinac ah oo fadhigiisu noqon doono dalka Turkiga oo ka sii shaqeyn doona si joogta ah wada xaajoodka labada dhinac.

Waxaa lagu wadaa in markale ay kulmaan muddo sagaashan maalmood gudaheed ah.

Haddaba Weriyaha BBC Cabdiraxmaan Koronto, oo ku sugan madasha shirka ayaa warreystay labada dhinac, waxaa marka hore uu la hadlay wasiirka aminga ee dowladda federalka Cabdikariim Xuseen Guuleed, oo uu weydiiyay waxyaabaha ay isku mari la'aayeen.