UN: Xasuuq ayaa ka dhacay S Koonfureed

  • 17 Jannaayo 2014
South Sudan
Kumanaan kun ayaa ku barakacay dagaalka South Sudan

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in labada dhinac ee ka dagaallamaya Suudaanta Koonfureed ay gaysteen xasuuq ka dhan dadka rayidka.

Waraysi uu BBC da siiyay, ayaa Ivan Simonovic, oo ah madaxa Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay waxaa uu sheegay in magaalooyinka Bor iyo Bentiu oo ay marar badan isku badaleen gacan ku haynteeda ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka

Waxaa uu sheegay in haatan ay noqdeen magaalooyin maran oo ay dadku ka kala carareen.

Simonovic ayaa hadalkaasi sheegay kaddib booqasho uu ku tegay Suudaanta Koonfureed, oo uu warbixin uga diyaarinayay Qaramada Midoobay.

Dad Kumanaan gaaraya ayaa la rumaysan yahay inay ku dhinteen dagaallada u dhexeeya ciidamada dowladda iyo mucaaradka Suudaanta Koonfureed.

‘‘Heerka ku lug lahaanshiyaha xasuuqaasi ayaa siyaabo kala duwan uga dhacay goobo kala duwan’’ Ayuu yiri Mr Simonovic .

Waxuu intaasi raaciyay in dhibaatada ugu xun ay ka dhacday magaalada koonfurteed ee Bor, iyo Bentiu oo iyaduna ku taalla dhanka woqooyi ee dalkaasi.

South Sudan

‘‘Bor way maran tahay halka Magalaada Bentiu aysan dad badan ku harsanayn,’’ Ivan Simonovic ayaa sidaas BBC-da u sheegay.

Sarkaalkasi ayaa tilmaamay in dadka lagu arki karo oo kaliya goobaha xerooyinka loo sameeyay dadka barakacay.

Simonovic ayaa sheegay in warbixinta kooxdiisa la sii dayn doono tooddobaadyo gudahood.

Dagaalka S Koonfureed ayaa ka billawday magaalada Juba 15-ka bishii December kaddib markii madaxwaynaha dalkaasi Salva Kiir uu ku eedeeyay kuxigeenkiisii hore Riek Machar in uu ka dambeeyay afgembi dhicisoobay.

Machar ayaa beeniyay warkaas.