Wadahadalka S Sudan oo lais mari la'yahay

  • 13 Jannaayo 2014
South Sudan

Wadahadalka u dhexeeya dhinacyada ku loollamaya awoodda South Sudan ayaa la sheegay in laisku mari la'yahay.

Mucaaradka uu hoggaaminayo madaxweyne kuxigeenkii hore Riek Machar

Dadaalada lagu doonayo in xabadjoojin laga gaaro South Sudan ayaa weli sii socda.

Ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan labada Sudan ayaa la kulmay hoggaamiyaha mucaaradka, Riek Machar.

Waxaa uu sheegay in dhexaadiyayaasha ay sii wadi doonaan cadaadiska ay ku saarayaan xukuumada Juba inay sii dayso maxaabiista siyaasiyiinta ee u xiran.

Afhayeenka Mucaaradka ayaa sheegay in heshiiska xabadjoojinta ay saxiixi doonaan oo kaliye marka la sii daayo siyaasiyiinta xiran.

Afhayeenka mucaaradka, Xussein Mar Nyuot, ayaa mar uu BBC-da la hadlayay meesha ka saaray hadal ka soo yeeray dowladda South Sudan oo ku saabsanaa in ciidamadoodu ay si buuxda gacanta ugu hayaan gobolka Unity.

Wuxuu sidoo kale Afhayeenku tilmaamay, inaysan waxba ka jirin eedeeynta dowladda Juba ee ah in ciidamada daacada u ah Mr Machar ay waxyeelo u gaysteen goobaha wax soo saarka shidaalka ee gobolkaasi.

Warar kale oo laga helayo South Sudan ayaa sheegaya in wasiirka shidaalka Koonfurta Suudaan, Stephen Dhieu Dau, uu booqday magalaada Khartoum si uu wadahadal ula yeesho dhigiisa dalka Sudan, Makawi Mohammed Awad.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xakamaynta dagaalada ka socda aaga shidaalka laga soo saaro.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku booriyay Madaxwaynaha South Sudan Salva Kiir inuu sii daayo dhaamaan maxaabiista siyaasadda u xiran.

Dhinaca kale dowladda Madaxwayne Salva Kiir ayaa sheegtay, inay diyaarinayso kumanaan ciidamo ah oo dib u qabsada magalaada Bor, oo iyadu ah magaaladii ugu danbaysay ee ku hartay gacanta fallaagada.

Kiir
Kiir ayaa madaxweyne kuxigeenkiisii hore ku eedeeyay inuu ka dambeeyay afgembi dhicisoobay

Ciidammada Machar ayaa u muuqda kuwo dib u gurtay kadib markii ay gacantooda ka baxday magalaada Bentiu, ee caasimadda gobolka qaniga ku ah shidaalka ee Unity.

South Sudan ayaa ka go'day Sudan sanadkii 2011-ka, kadib dagaallo ay dad badani ku dhinteen.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan