Dagaal wali ka socda South Sudan

  • 1 Jannaayo 2014

Dhexdhexaadiyayaasha dalka Ethiopia ayaa ka digay in dagaalka ka sii socda South Sudan uu wax u dhimi karo wadahadalada nabadda ee la filayo in ay maanta galinka dambe u bilowdaan dowladda iyo mucaaradka.

Labada dhinacba waxay isla ogolaadeen in ay wadahadalada ka qaybgalaan balse xabad joojin ma jirto ilaa hadda.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay jirto cadayn xoog leh oo muujinayso in ay gaboodfallo ay dhaceen.

Wasiirka dibedda South Sudan Barnaba Marial Benjamin ayaa BBC u sheegay in ay xigeen qaar ka mid ah askarta oo lo haysto in ay gaboodfallo ku kaceen.

Mr Marial Benjamin ayaa sidoo kale sheegay in madaxwayne ku xigeenkii hore Riek Machar uusan sharci u haysn hogaaminta dalka maadaama aan madaxwayne loo dooran.