11 ku dhimatay Afgooye

  • 22 Disembar 2013

Kow iyo toban qof ayaa dhimatay kadib markii ay is dagaaleen askar ka wada tirsan ciidamada dowladda. Shan iyo toban ayaa ku dhaawacantay dagaalka.

Dagaalka ayaa ka dhacay bar koontarool oo ay askarta ka samaysay jidka u dhaxeeya Afgooye iyo Walawayn. Baabuurta ayaa lacag laga qaadaa fariisimaha.

Dadka dhintay, afar ka mid ah waxay ahaayeen rayad oo saddex ay yihiin haween beeraley ah oo xaafadahooda ay xabadu gaartay, iyo nin xamaali ahaa. Toddobo ayaa askarta ka dhimatay.

Ciidamada AMISOM ayaa joojiyay dagaalka askarta.

Gobolka Shabeelada hoose ayaa maalmahan waxaa ka socday dagaalo beelo, gaar ahaan magaalada Marka.