Wiilasha Mubaarak "dambi ma leh"

  • 19 Disembar 2013
Mubaarak

Maxkamad ku taalla Masar ayaa dambi ku wayday laba wiil oo u dhalay madaxweynihii hore, Xusni mubarak.

Labadan wiil - Calaa iyo Jamaal - waxa lagu soo oogay dacwad ah inay lunsadeen lacag ay dadweynaha lahaayeen.

Axmed Shafiiq oo ah ra'iisalwasarihii ugu dambey ee dawaladdii Xusni Mubaarak iyo 10 ruux oo kale, ayaa sidoo kale dambi lagu waayay.

Dacwadda ka dhanka ah wiilasha Mubaarak waxay salka ku haysaa dhul ay dawalddu leedahay oo ay ku iibsadeen lacag ka hoosaysa qiimaha dhulka uu joogay xilligaas.

Calaa iyo Jamaal ayay u socotaa dacwad kale oo la xiriita musuqmaasuq.

Go'aanka maxkamaddan ayaa ku soo beegmayo iyadoo la filayo in dacwad hor leh oo argegixisanimo ah lagu soo oogo Maxamad Mursi, oo ah madaxweynihii xilka laga tuuray ee Masar.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan