Nin u dooda xuquuqda oo la xiray

  • 16 Disembar 2013
Sacudi Carabiya
Waxaa laga dayrinayaa xaaladda xuquuqda aadanaha ee sacuudiga

Dowladda Sacuudiga ayaa afar sano oo xarig ah iyo 300 oo karbaash ah ku xukuntay nin u dooda xuquuqda aadanaha oo ku baaqey in dimuquraadiyadda laga dhaqangeliyo dalkaas.

Koox u ololeysa Xuquuqda aadanaha oo uu Cumar Al-Saciid la shaqeeyo ayaa sheegtay in xukunka ninkan uu u dhacay si qarsoodi ah

Xukunka waxa uu qeyb ka yahay olole dowladda ay waddo oo ka dhan ah dadka u dooda xuquuqda aadanaha ee Sucuudiga.

Faafaahinta go'aanka maxkamadda ee ka dhanka ah Cumar Al-saciid ayaa hadda soo baxday inkastoo xukunka dhacay toddobaad ka hor.

Kooxda uu la shaqeeyo Cumar ayaa lagu magacaabaa, Ururka Xuquuqda Arimaha Siyaasadda iyo Bulshada ee Sacuudiga.

Cumar ayaa lagu eedeeyay inuu ku baaqay boqortooyo ku dhisan dastuur - taas oo micneheedu yahay in boqortooyadana ay sii jirto balse la soo doorto baarlamaanka iyo xukuumadda .

Waa xukunkii afaraad ee sanadkan lagu rido ruux ka tirsan kooxdan xuquuqda aadanaha ee Sacuudiga .

Horey ayaa xukun adag loogu riday ninka aasaasay kooxdan, Maxamed Al-Qaxtaani iyo welibo Dr Cabdullahi Al-Xamdi, oo la shaqeeyo kooxdan.

Ururka Xuquuqda Arimaha Siyaasadda iyo Bulshada ayaa ku doodayo in dacwadaha raggan lagu eedeeyay oo dhan ay yihiin kuwo siyaasadeed.

Kooxdan waxa la aasaasay 2009-kii, waxaana billaabay koox maxaabiis ahayd oo sheegay in loo diiday xuquuqdoodii lagama maarmaanka ahayd.