BBC navigation

Koonfur Afrika oo u duceysay Mandela

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 8 December, 2013, 18:24 GMT 21:24 SGA

Reer Koonfur Afrika ayaa u duceeyay Nelson Mandela

Dadka reer south africa oo kala diin iyo midab ah ayaa maanta ku qulqulayey kaniisadaha,masaajidyada iyo goobaha kale ee cibaadeysiga oo u duceynayey Nelson Mandela.

Madaxweyne Zuma oo ka hadlay kaniisad ku taal Johanesburg ayaa ku ammaanay Mandela inuu dadka fari jiray oo uu ku camal fali jiray dib u heshiin iyo in la is-cafiyo,taas oo uu yiri waa tan qaran maga dhigtay.

Maydka Mandela waxaa la dhigi doonaa dhismaha union building ee Pritoria maalinta arbacada ah si dadku u sii sagootiyaan.waxay ahayd halkii lagu dhaariyey 1994 markii uu madaxweynaha South Africa noqday.

Naxashka maydkiisa qaadi doona wuxuu dhexmari doonaa wadooyinka Pritoria subax walba si dadweynaha hareeraha wadooyinka isgu soo baxayaa ay u sii mac-salaameeyaan.

Dadkii maanta dalka oo dhan u duceynayey Mandela waxay isugu jireen qaar barooranayey iyo qaar heesaha diinta ku luqeynayey

Xusaska iyo aaska Mandela waxaa ka soo qayb galaya in ka badan 50 hogaamiye oo dalalka dunida ka kala socda.waxaa ka mid ah madaxweyne Obama,xogahayaha guud ee qaramada midoobay Ban ki-moon iyo R/wasaaraha Britain David Cameron.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.