Xisbullah oo laga dilay taliye militeri

  • 4 Disembar 2013
Xisbullah
Ururka Xisbullah ayaa Isra'iil ku eedeeyay dilka hoggaamiye militeri

Ururka Xisbullah ee ka dagaallamo koonfurta Lubnaan ayaa sheegay in la dilay mid ka mid ah hoggaamiyayaasha militeri ee ururka.

Xasan Al Lakis ayuu ururku sheegay in lagu dilay meel u dhaw gurigiisa dibedda magaalada Beirut, ee caasimadda Lubnaan.

Warbixin uu soo saaray uruka Xisbullah ayaa lagu sheegay in hoggaamiyahan ay dileen "isra'iiliyiinta" isagoo ka soo laabtay shaqada saqda dhexe habeenkii.

Xisbullah ayaa sheegay in Isra'iil ay dhowr jeer oo hore isku dayday inay disho hoggaamiyahan.

Isra'iil ayaa beenisay inay ka dambaysay dilka taliyaha sare ee militeri ee Xisbullah.

Ninkan la dilay ayaa la sheegayaa inay aad isugu dhawaayeen hoggaamiyaha guud ee ururka Xisbullah, Xasan Nasrallah.

Saacada yar ka hor dilka hoggaamiyahan militeri ayaa Xasan Nasrallah waxaa uu Sacuudiga ku eedeeyay inay ka dambeeyeen weerar lagu qaaday safaaradda Iraan ee Beirut bishii tegtay.

Nasrallah ayaa sheegay inuu ku qanacsan yahay in sirdoonka Sacuudiga ay ka dambeeyeen weerarkaas.