Asad oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal

  • 3 Disembar 2013
Navi Pilay
Navi Pilay, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa eedeysay madaxda Suuriya.

Sarkaal sare oo Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in ay caddahay in madaxda Suuriya ay mas'uul ka yihiin dambiyada dagaal ee ka dhacayo dalkaas.

Navi Pilay ayaa sheegtay in madaxweyne Bashar al-Assad laftiisu qeyb ka yahay danbiyada dagaal iyo kuwa ka dhanka ah aadanaha ee dalkaasi ka dhacay.

Pillay ayaa sheegatay in guddi ka socda Qaramada Midoobay oo baarayay xadgudubyada ka dhacay Suuriya, ay ogaadeen in dhibaatooyinka la xiriira xuquuqda aadanaha ay marayaan heerkii ugu sarreeyay.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibada ee Suuriya, Faysal Miqdaad, ayaa beeniyay eedeymaha dowladda loo soo jeediyay.

Mucaaradka hubaysan ayaa dagaal kula jiro ciidammada dowladda madaxweyne Bashaar Al Asad.

Dagaalka Suuriya ayaa sababay burbur ballaaran

Wadahadallo u dhexeeya mucaaradka iyo dowladda aya la filayaa inay lagu qabto magaalada Geneva biilawga sanadka soo socda.