BBC navigation

Saacid oo kalsoonida lagala laabtay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 2 December, 2013, 11:32 GMT 14:32 SGA
Mudayaasha Soomaaliya

Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa u codeeyay mooshin ka dhan ah Ra'iisalwasaare Saacid

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kalsoonida kala laabtay Ra'iisalwasaare Cabdi Faarax Shirdoon

Baarlamaanka ayaa u codeeyay mooshin ka dhan ah xukuumadda uu hogaamiyo Ra'iisalwasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Mooshinka ka dhanka ah Saacid waxaa u codeeyay 184 mudane.

Waxaa mooshinka ka soo horjeestay 65 mudane oo taageersanaa Saacid.

Dodda baarlamaanka

Mudanayaasha ayaa goor sii horreysay soo gabagabeeyay doodda arrintan la xirirta.

Mudanayaasha ayaa maalintii seddexaad ka doodayay mooshinkan.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra'iisalwasaaraha ayaa la sheegay in uu u dhexeeyo khilaaf lagu tilmaamay mid dastuuri ah.

Saacid

Xukuumadda uu hogaamiyo Saacid ayaa loo qaadayaa codka kalsoonida

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegayaa in uu doonayo in Saacid uu is casilo.

Haddii baarlamaanka kalsoonida kala noqdo Ra''isalwasaare Saacid, madaxweyne Xasan ayaa soo magacaabi doono ra'iisalwasaare cusub.

Destuurka Soomaalia ayaa siinayo madaxweynaha xaqa ah inuu magacaabo ra'iisalwasaare, laakin shaqada kama eryi karo.

Xiriirrada macnaha ka dhexeeya

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.