Diyaarad ku dhacay Mozambique

  • 30 Nofembar 2013

Burburkii diyaarad Mozambique Airline oo ay saaran yihiin soddon iyo afar qof ayaa la helay, kadib markii la waayay diyaarad u socotay Angola Jimcihii.

Afhayweenka boliiska Namibia, ayaa sheegay inaysan jirin dad badbaaday. Dadka degan gobolka waqooyi bari ee Kavongo ayaa sheegay inay maqleen qarax.

Wuxuu sheegay in kooxaha baaritaanada ay roob iyo jidadka oo aad u yar ay ku adkaatay shaqadii ay wadeen.

Masuuliyiinta ayaa sheegay, in dadka saarnaa diyaarada ay ahaayeen dad reer Mozambique iyo Angola iyo qaar kale oo Boortiqiis ah. Diyaarada ayaa ka tagtay Mozambique waxayna u socotayAngola.