Weriyayaal xiran oo "cuntada ka soomay"

  • 29 Nofembar 2013
Kufsi
Waxaa jiro olole caalami ah oo kufsiga looga soo horjeeda, debedbaxyadan waxay ka dhaceen Hindiya

Maammulaha idaacadda Shabeelle iyo weriye loo xiray warka gabar sheegtay in la kufsaday ayaa sheegay inay "cuntada ka soomeen".

Gudoomiyaha idaacada shabelle, Cabdimalik Yusuf, waxaa uu la xiran yahay weriye Maxamed Bashiir iyo Fadumo Cabdiqaadir, oo ah gabadha sheegtay in la kufsaday.

Saddexdan waxay ku xiran yihiin xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Waxay xabsiga ku jiraan muddo toddobaad ku dhow haatan.

Waxay sheegayaan inay ka cabanayaan in dowladdu aanay tallaabo ka qaadin dadka lagu eedeeyay inay wax kufsadeen, halka iyagu la soo xiray.

Weriye Maxamed Bashiir ayaa loo heystaa in uu wareystay Faadumo Cabdiqadir oo sheegtay in la kufsaday.

Cabdimalik Yusuf waxaa loo haystaa in uu lahaa qalabka lagu qaaday wareysigaasi.

Gabadhan ayaa la sheegay in da'deedu tahay 19 sano jir.

Waxay sheegtay in labo weriye oo hubaysan ay inta "dhafoorka xabad ka saareen ay kufsadeen"

Kufsi
Dibedbaxyo kufsiga looga soo horjeeda Kenya

Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in baaritaan socdo oo wax walba sharciga la waafajin doono

Qaramada Midoobay ayaa horey u codsatay in arrintan baaritaan deg deg ah lagu sameeyo.

Billawgii sanadkan ayaa sidan okale loo xiray gabar sheegtay in la kufsaday iyo welibo weriye warkeeda tebiyay.