Xaaladda Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe

CAR
Dadka rayidka ayaa la sheegayaa inay ku dhibataysan yihiin dagaallada halkaas ka socda

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in xaaladda Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ay ka sii darayso.

Kalkaaliyaha Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay Yan Elliiyason ayaa ugu baaqey Golaha Ammaanka inay xojiyaan ciidammada nabadsugidda ee Midowga Afrika ee ku sugan dalkaas.

jamhuuriyadda afrikada dhexe
Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe

Faransiiska ayaa sheegay inuu kordhin doono ciidammada ka joogo dalkaas.

Wasiirka difaaca Faransiiska ayaa sheegay in dalkiisu uusan iska daawan doonin Jamhuuriyadda Afrikada dhexe oo saaran waddada burburka.

Faransiiska ayaa horey u guumaystay dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.

Kalkaaliyaha xoghaya guud Yan Elliyason ayaa sheegay Jamhuuriyadfda Afrikada dhexe waxaa ka socda xasuuq ka dhan ah dadka rayidka.

Waxaa uu leeyahay Muslimiinta iyo Christaanka ayaa labaduba Jabhado samaystay oo is laynayo.

Bozize
Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe waxaa ka dhacay qalalaase tan iyo markii la riday madaxweynihii hore Fransuwaa Bozize

Dalkaas waxaa ka jiro qas iyo jahawareer, iyo welibo noolashii oo ciriir gashay, tan iyo bishii seddexaad ee March ee sanadkan, xilligaas oo fallaago hubaysan ay xukunka ka tuureen madaxweynihii dalkaas Fransuwa Bozize.