Mooshin ka dhan ah Saacid

  • 21 Nofembar 2013
Saacid
Mudanayaal gudbiyay mooshin ka dhan ah xukuumadda Ra'iisalwasaare Cabdi Shirdoon Saacid

Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa loo gudbiyay mooshin ka dhan ah xukuumadda Ra'iisalwaasare Cabdi Faarax Shirdoon (saacid)

Mooshinkan ayaa la sheegayaa inay saxiixeen 168 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Ra'iisalwasaare Saacid ayaa horey u sheegay in mas'uuliyadda xallinta khilaafka u dhexeeyo isaga iyo madaxweynaha uu u yeello baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in khilaafka uusan ahayn mid siyaasadeed ee uu yahay destuuri.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay in uu doonayay in Ra'iisalwasaare Cabdi Faarax Shirdoon uu is casilo.

Xasan Sheekh
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonayo in ra'iisalwasaare Saacid is casilo

Ra'iisalwasaare Saacid ayaa diiday in uu is casilo

Maalmihii la soo dhaafay xildhibaannada Soomaaliya ayaa lahaa kulamo gooni gooni ah oo ay ku kala taageersanaayeen labada dhinac.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan