BBC navigation

Antibiotiga oo laga digay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 17 Novermber, 2013, 11:13 GMT 14:13 SGA

Daawooyinka antibiotiga ee lagu daaweeyo cuduro badan.

Iyagoo ku qorayaaya warbixin wargayska caafimaadka ee Lancet, ayaa qabiirada caafimaadka ay ku baaqeen in caalamka uu si aan horay u dhicin isaga kaashado ka hortaga qatarta adkaysiga daawada antibiotiga.

Waxaa iskaashigaas ka mid ah in la yareeyo daawada antibiotiga ee dadka bukaanka la siiyo markii la daawaynaayo, iyo in la dhiiri galiyo shirkadaha daawooyinka inay soo saaraan daawooyin cusub.

Waxay ka digeen in hadii Antibiotic la waayo in laga bilaabo daawaynta qaliinka fudud, ilaa daawaynta kansarka ay adkaan doonto.

Waxay kaloo ka digeen, dhimashada jeermiska ee waddamada soo koraya inay ku soo noqoto heerkii horaantii qarnigii labaatanaad, iyo in qarashka caafimaadka uu aad u kordhi doono.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.