BBC navigation

Maldives: Abdulla Yameen ayaa guulaystay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 16 Novermber, 2013, 17:02 GMT 20:02 SGA

Doorashada ayaa muran badan uu ka jiray.

Abdulla Yameen ayaa ku guulaystay wareegii labaaad ee doorashada madaxweynenimada Maldives, sida ay sheegayaan natiijooyinkii ugu danbeeyay.

Mr Yameen ayaa helay 51.3% marka la barbardhigo 48.6% ee uu helay madaxweynihii hore Maxamed Nasheed, iyadoo la tiriyay boqolkiiba 98% codadka, sida gudiga doorashada uu sheegay.

Mr Yameen ayaa ku guulaystay 47% wareegii koowaad ee doorashada, taasoo ka yarayd 50% loo baahan yahay in lagu guulaysto.

Mr Yameen waxay walaalo yihiin Maumoon Abdul Gayoom, oo waddanka xukumaayay soddon sanno.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.