Gargaarka Filibiin oo saamayn yeelanaya

Saddex iyo toban milyan oo qof ayay dabaylaha saameeyeen.

Dadaalka gargaarka caalamiga ee Filibiin ayaa bilaabanaya inuu saamayn wayn ku yeesho meelaha ay aad u saamaysay dabaylaha Typhoon Haiyan.

Wariyaha BBC, ayaa sheegay in gargaarka caalamiga ah ee ka imaanaya dalalka Maraykanka iyo Britain la gaynayo meelaha go'doonka ah ee aysan dowladda gaari karin.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay rajaynayso inay hesho lacag ku filan barnaamish degdeg ah oo cunto, hoy, iyo biyo nadiif ah oo socon doona lix bilood

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaasaysa in ka badan saddex iyo toban milyan inay saamaysay dabaylaha, oo ay ku jiraan shan milyan oo carruur.

Waxay sheegeen muhiimada maalmaha soo socda inay ka mid tahay in laga caawiyo dadka inay helaan reerahoodii ee ay kala dhumeen.