Xaladdii deg dega Masar oo dhamaatay

  • 13 Nofembar 2013
Masar
Xaaladda deg dega ah ee Masar ayaa la soo afjaray

Dowladda Masar ayaa sheegtay inay soo afjarayso xaaladdii deg deg ahayd ee uu dalka ku jiray muddo saddex bilood ah.

Arrintan ayaa imanayso kaddib markii maxkamad ku taalla Qaahira ay go'aamisay in la soo afjaro xaaladdaasi labo maalmood ka hor inta uusan dhamaan xilligii saddexda bilood ee uu destuurka Masar oggolyahay in ay socoto.

Gollaha wasiirrada Masar ayaa sheegay in uu ixtiraami doono go'aanka ka soo baxay maxkamadda.

Tan ayaa micnaheedu noqonayaa in la soo afjari doono bandowgii habeenkii ee laga dhaqangeliyay Masar.

Taageerayaasha madaxweynihii xilka laga qaaday ee Maxamad Mursi ayaa dhigayay dibedbaxyo tan iyo markii militerigu talada ku wareejiyaya dowlad cusub.

Bishii August ayay dalkaas ka dhaceen rabshadihii ugu darnaa, iyadoo la weeraray goobihii ay ku muddaaharaadaayeen taageerayaaha Mursi.

Mursi
Taageerayaasha Mursi ayaa dibedbaxayay tan iyo markii xukunka laga tuuray

Boqolaal ruux ayaa ku dhimatay iska horimaadyadaas, iyadoo kumanaan kalena ay ku dhaawacmeen.

Weriye ka tirsan BBC-da oo ku sugan Masar ayaa sheegayo in tani ay micnaheedu ahayn in dadka loo oggolaan doono inay ku muddaaharadaan waddooyinka xilliga ay doonayaan.

Golaha wasiirrada ee Masar waxaa uu ka shaqeynayaa sharci boliisku siin doono awood dheeri ah oo ay ku joojin karaan dibedbaxyada.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan